Maalinta dhalinyaradda aduunka ee 12 August oo maanta oo Sabti ah hargeisa lagu xusay

Maanta taariikhdu tahay 13 August 2022 waxaa Hotel Ambassador ee magaalada Hargaysa ka qabsoontay munaasib lagu xusayay maalinta dhallinyaradda Aduunka.

Munaasibadaas ayaa waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin uu ugu horeeyo Madax wayne ku xigeenka Jamhuuriyaddda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil "Saylci", Wasiirka Wasaaradda  Dhallinyaradda Ciyaaraha Somaliland, Cabdirashiid Ducaale  Qambi,  Agaasimaha Sanduuqa Horumarinta Dhalinyaradda Khadar Ibrahim Mohamed, Agaasimaha guud ee Wasaaradda  dhallinyaradda iyo ciyaaraha Cabdirashiid Caydiid Yaasiin, Agaasimaha dallada dhallinyaradda ee SONYO Cabdicasiis Maxamed Jaamac, qaar ka mid ah jaamacadaha dalka, hay'daha ka shaqeeya arimaha dhallinyaradda iyo dhallinyaro  aad u badan oo ka socotay jaamacadaha dalka. 

Masuuliyiintii munaasabadda ka hadlay ayaa waxay ku nuuxnuuxsadeen sida ay dawladda uga go,antahay teegeeridda iyo  gacanqabashada  dhalinyaradda.  Waxaa xusid mudan inuu Madax wayne ku xigeeenka iyo wasiirka ciyaaruhuba ay ku dheeraadeen sida ay uga go,antahay horumuranita dhaliinyaradda. Waxay tusaale usoo qaateen sanduuqa hormarinta dhallinyaradda oo dhawaan hawlihiisu si dhamaystiran u dhaqaaqidoonaan.

Agaasimaha Sanduuqaa Horumarinta Dhalinyaradda Somaliland,  Khadar Ibrahim Mohamed ayaa dhiniciisa  faahfaahin ka bixiyay sababihii loo aasaasay sanduuqa. Agaasimuhu wuxuu xusay  inuu sanduuqu wax katari doono shaqa abuurka dhallinyaradda layimaada hal abuur ganacsi.  isaga oo haddalkiisa said wata waxaa uu agaasimaha xusay in sanduuqa samayn doona taageero dhaqaale, dhiirigalineed, tababar iyo arimo kale oo  lagu gacan qabanayo dhallinyaradda jamhuuriyadda Somaliland.