Sanduuqa Horimainta Dhalinyarada Somaliland ayaa Tababar ufuray Dhalinyarada Gobolka Togdheer

Burco Somaliland October 12 2024.
Sanduuqa Horumarinta Dhallinyaradda JSL ayaa Burco ka furay Tabobarka hal-abuurada ganacsi oo loo qabtay dhallinyartii soo codsatay maalgalinta Sanduuqa Dhallinyarada. Tabobarkan oo socon doona muddo 3 maalmood ah waxaa ka qayb galayaashu ku baran doonaan xirfadaha la xidhiidh hal abuuradda ganacsi iyo horumarinta fikraddii ganacsi ee ay soo gudbisteen iyada oo lagu hagi doono sidii ay fikradahooga meel mar uga dhigi lahaayeen.
Furitaanka tabobarkan waxaa soo qaban qaabiyay Agaasimaha fulinta Sanduuqa H. Dhallinyaradda Khadar Ibraahin Maxamed waxa sidoo kale goobjoog ahaa Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha iyo Wasiirka ku xigeenka Wasaaradda Ganacsiga.