Guddida Sanduuqa Horumarinta Dhalinyaradda Somaliland ayaa kulan la yeeshay haydadaha ka shaqeeya arimaha horumarinta dhalinyarada

06dii bisha 10aad ee 2022, waxaa Kulan isugu yimid guddida Sanduuqa Horumarinta Dhalinyarada Somaliland iyo hayadaha kala duduwan ee ka shaqeeya arimaha horumarinta dhalinyrada. Kulankaas oo kusoo gabagaboobay magaalada hargesia ayaa lagaga hadlay arimo kusaabsan horumarinta dhalinyarada. Ujeedada kulanka ayaa ahaa talo wadaag iyo warxbin ku saabsan hawalaha sanduuqu qabandoono.  Agaasimaha sanduuqa Khadar  Ibrahim  Mohamed ayaa faahfaahiyay ujeedooyinka Sanduuqa loo aasaasay iyo waxyaabaha u qorshaysan.

Agaasime Khadar wuxuu sheegay in shaqo abuur iyo taageero shaqa abuur loo samayn doono dhalinyarada reer Somaliland ee la yimaadda halabuur ganacsi. Sidoo kale waxa uu sanduuqu sare u qaadi doona awooda ay shaqo ku helikaraan dhalinyaradu, sida tababarro, hagid iyo taagero dhaqaale oo toos ah. Agaasimuhu wuu sheegay in dawladdu ay dhaqaale u qoondaysay in sanadkasa lagu bixiyo maalgashiga dhalinyaradda Jamhuuriyadda Somaliland.