Sanduuqa Horumarinta Dhalinyarada Somaliland oo Tababar ufuray Dhalinyarada Gobolka Saaxil

Berbera Somaliland October 8 2024.
Sanduuqa Horumarinta Dhallinyaradda JSL ayaa Berbera ka furay Tabobarka hal-abuurada ganacsi oo loo qabtay dhallinyartii soo codsatay maalgalinta Sanduuqa Dhallinyarada. Tabobarkan oo socon doona muddo 3 maalmood ah waxaa ka qayb galayaashu ku baran doonaan xirfadaha la xidhiidh hal abuuradda ganacsi iyo horumarinta fikraddii ganacsi ee ay soo gudbisteen iyada oo lagu hagi doono sidii ay fikradahooga meel mar uga dhigi lahaayeen.
Furitaanka tabobarkan waxaa soo qaban qaabiyay agaasimaha fulinta Sanduuqa H. Dhallinyaradda Khadar Ibraahin maxamed waxa sidoo kale goobjoog ahaa Wasiirka Beeraha Somaliland, Badhasaabka Gobolka Saaxil, Maareeyaha Haayadda dekedaha Somaliland iyo xoghayaha dawlada hoose ee Berbera.