Maanta oo ay taariikhdu tahay August 17, 2024 Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada waxaa uu baahinayaa wajiga koowaad ee maalgalinta dhallinyarada. Maalgalinta wajiga koowaad ee sanduuqu waa dayn aan faaiido laga doonayn(Qardul-Xasan) oo loo fidin doono dhalinyarada gole keena hal-abuuro ganacsi ee meel marka ah laguna kala xuli doono hab daahfuran oo ku salaysan qiimaynta fikradahooda ganacsi.
FAAHFAAHINTA MAALGALINTA
a. Nooca maalgalinta: nooca maalgalintu waa dayn aan faaiido laga raadinayn (Qardul Xasan) oo la maalgaliyuhu muddo cayiman ku soo celin doono qadarka lacagta ah ee la maalgaliyay.
b. Mudadda Dayn soo celinta: Uga badnaan daynta waxaa lagu soo celinayaa mudo 24 bilood gudohood ah oo ka bilaabanta maalinta daynta la gudoomo ( fikradaha ganacsiyada cusubi waxay heli doonaan muddo 3 bilood ah oo u dhaxaysa gudoonsiinta maalgalinta iyo bilawga dayn soo celinta (loan grace period)).
c. Qadar Maalgalinta: Qadarka ugu badan ee maalgalintu la soo codsan karaa waa $5,000 qofkiiba.
HABKA CODSASHADDA MAALGALINTA:
a. Codsadayaasha maalgalinta Sanduuqa H. Dhallinyaraddu waxay si online (Mobile Application ) ah ku soo gudbin karaan codsiyadda fikradohooda ganacsi iyada oo la raacayo talaabooyinka hoos ku xusan:-
✓ Codsaduhu wuxuu Play Storeka Smart Phone (Android/Samsung) kala soo degayaa Appka Sanduuqa ee “Somaliland Youth Fund”
✓ Telefoonka (Mobileka) Appkan lagu isticmaali karaa waa Samsung /Android kaliya).
✓ Codsaduhu wuxuu dooran doonaa luuqadda uu doorbidayo (Somali ama English)
✓ Codsaduhu wuxuu iska diwaangalin doonaa appka sanduuqa waxaanu ka taxadiri doonaa in uu ilaawo number sireedkiisa (Account Password)
✓ Codsaduhu wuxuu soo buuxin doonaa dhamaan macluumaadka looga baahan yahay ee ku dhigan Appka.
✓ Ugu dambaynta marka codsuduhu hubsado in uu dhamaan macluumaadki loo baahnaa dhamaystiray waxaa uu soo gudbin doonaa codsiga ( Fiiro Gaar ah: codsiga hal mar soo baxa mar labaad laguma soo celin karo).
b. Marka la qiimeeyo codsiyadda soo gudba, waxaa codsadaha u soo dhici doonta fariin u sheegaysa in uu wareeg labaad u gudbay iyo in uu wareega koowaad ku hadhay.
c. Haddi fariinta soo dhacdaa sheegayso in codsaduhu wareega labaad u gudbay waxaa uu dib u soo gali doonaa ( Sign in) accounkii uu hore appka sanduuqa uga samaystay isla markaana waxaa uu soo buuxin doonaa xaashida codsiga wareega labaad (Fiiro Gaar ah: Wareega labaad waxaa lala soo xidhiidhi doonaa codsadayaasha u gudba wareega saddexaad oo kaliya).
SHURUUDAHA MAALGALINTA:-
I. Shuruudaha Soo Codsashadda Maalgalinta
Shuruudaha looga baahan yahay qofka dalbanaya maalgalinta sanduuqa waxaa ka mid ah:
a. Muwaadin u dhashay Somaliland
b. Haysta aqoonsi/taysarada muwaadinka (national ID)
c. Waa in da’diisu/dadeedu u dhaxaysaa 20-35 jir
d. Waa in uu/ay u heelanyahay/heelantahay ka midhodhalinta fikrada ganacsi
e. Waa in uu haysto ruqsad ganacsi oo shaqaynaysa( haddi ganacsigu hore u jiray oo kasoo baxday xafiisyada dawlada dhexe ama dawladaha Hoose).
f. Waa in uu bixiyo/ bixiso SL. SH. 20,000 ( labaatan kun oo SL shilling ah ) oo ah cashuurta moorka ( stump duty tax) kuna dhici doonta khasnadda dhexe ee cashuuraha bariga JSL. (lacagtu waxay kaga bixi kartaa Zaad amd E-dahab oo kaliya).
II. Shuruudaha Gudoonsiinta Maalgalinta:
Shuruudaha gudoonsiinta maalgalinta waxaa ka mid ah:
a. Waa in tartamuhu ka soo gudbo dhamaan maraaxilka kala duwan ee qiimaynta
b. Waa in codsaduhu keenaa damiinal maal
c. Waa in tartamaha ku guulaysta maalgalintu 5% qadarka ku baxaya maalgalinta ganacsigiisa ku darsadaa kuna shubaa account uga furan baanka la mariyay maalgalinta
d. Waa in guulaystaasha maalgalintu heshiiska la saxeexdaa baanka maalgalinta la marinayo oo ka wakiil ah Sanduuqa.
Jadwalka soo gudbinta codsiyadda ee Gobabaladda iyo Degmooyinka Dalka:
1- Awdal , Maroodijeex iyo Degmada Gabiley 17 August 2024–26th August 2024
2- Saaxil iyo Togdheer 3rd September 2024—12th Sept 2024
3- Goboladda Sool iyo Sanaag 20th Sept 2024—29th Sept 2024
Wabillaahi tawfiiq.