Tababarka Dhalinyarada Gobolka Sanaag

Ceerigaabo Somaliland October 13 2024.
Sanduuqa Horumarinta Dhallinyaradda JSL ayaa Ceerigaabo ka furay Tabobarka hal-abuurada ganacsi oo loo qabtay dhallinyartii soo codsatay maalgalinta Sanduuqa Dhallinyarada. Tabobarkan oo socon doona muddo 3 maalmood ah waxaa ka qayb galayaashu ku baran doonaan xirfadaha la xidhiidh hal abuuradda ganacsi iyo horumarinta fikraddii ganacsi ee ay soo gudbisteen iyada oo lagu hagi doono sidii ay fikradahooga meel mar uga dhigi lahaayeen.