Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada Somaliland oo soo qaban qaabiyay aqoon korodhsi ku saabsan Tababarka Tababarayaasha Hal-abuurka Ganacsiga ee Barayaasha Jaamacadaha.
Hargeysa, Somaliland – July 21, 2024: Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada Somaliland (SLYDF) ayaa soo qaban qaabiyay kulan aqoon korodhsiga Tabobarka Tabobaraasha ah oo ku saabsan hal-abuurka ganacsiyada (Entrepreneurship Train the Trainer). Aqoon korodhsigan oo socon doona muddo 5 maalmood ah waxaa loo qabtay baraayaasha kala duwan ee jaamacadaha dalka si loogu dhiso aqoonta iyo xirfadaha lagama maarmaarmaanka u ah hagista dhalinyarada hal abuurka ganacsi leh ee ka faa iidaysan doona maalgalinta Sanduuqa Dhalinyaradda JSL.
Furitaanka kulankan waxaa qaban qaabadiisa hormuud ka ahaa Wasiirka Dhaliyarada iyo Ciyaara ahna Gudoomiyaha Gudida sare ee Sanduuuqa MD. Cabdirisaaq Muuse Faarah iyo Agaasimaha Fulinta Sanduuqa Dhalinyaradda Khadar Ibraahim Maxamed.
Dhinaca kale waxaa goob joog ka ahaa munaasibada furitaanka aqoon korodhsigan Agaasimaha guud ee gudidda tacliinta sare, Agaasimaha Dalada SONYO iyo hawl wadeeno ka tirsan Sanduuqa dhalinyaradda
4524350274539009440817795064513273592115816n
452142835453901677415039914697179725922703n
4521953604539018707483535943898864732636777n
4521045304539010740817662742143905839335909n
4522104074539012140817521036953971869414335n