Heshiis wada shaqayneed dhex maray Sanduuqa Horumarinta dhallinyarada JSL iyo baanka ganacsiyadda yar yare ee MicroDahab

Maanta oo ay taariikhdu tahay 15/7/2024 waxaa heshiis wada shaqayneed oo taariikhi ah oo ku saabsan maal galinta ganacsiyadda yar yar ee dhalinyarada uu dhex maray Sanduuqa Horumarinta dhallinyarada JSL iyo baanka ganacsiyadda yar yare ee MicroDahab. Munaasibadan oo lagu qabtay xarunta Baanka dhexe JSL waxaa hogaaminayay gudoomiyaha guddida sare Sanduuqa ahna Wasiirka Wasaarada dhalinyaradda iyo Ciyaaraha MD. Cabdirisaq Muse Farah iyo Agaasimaha fulinta Sanduuqa Khader Ibrahim.
Qodobadda ugu muhiimsanaa heshiiska waxaa ka mid ahaa:-
1. Abuurista barnaamij maalgalineed oo wadaag ah (Joint Revolving Fund Program) ah oo ay iska kaashanayaan labada dhinac, si is leegna u maalgalinayaan
2. Inuu barnaamijkani noqon doono mid ganacsiyada yar yar ee dhalinyaradu ka helaan deyn aan faaido laga dooneyn (QARDUXASAN)
3. In sanduuqu ka masuul ahaado maamulka guud ee barnaamijka maalgalinta ganacsiyada yar yare iyo bixinta kharashaadka ku baxaya hirgalainta barnaamijka
4. In baanka ganacsiyada yar yar ee MICRO-DAHAB fuliyo adeega bixinta maalgalinta iyo deyn soo celinta barnaamijka
5. in labadda dhinac si isku mid ah iskaga kaashadaan wixii caqabado ka hor yimaada barnaamijka maalgalinta ganacsiyada yar yare e dhallinyaradda Somaliland.
Heshiiskan waxaa Sanduuqa u saxeexay Agaasimaha fulinta Sanduuqa Khader Ibarhim Mohamed halka MicroDahabna uu u saxeexay Mareeyaha MicroDahab Cabdibaasid Cismaan Jaamac.
Dhinaca kale waxaa munaasibadan labada dhinac heshiiska ku kala saxeexanayeen goob joog ka ahaa wasiirka wasaarada horumarinta maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire, Gudoomiye ku xigeenka baanka dhexe JSL Cabdiraxman Maxamed Cabdillahi, Agaasimaha guud ee Hay’adda Caymiska Cabdiraxman Muse Cabdi, Gudoomiye ku xigeenka ururka baananka Somaliland Cabdisalan Gabobe, masuuliyiin ka socotay Dahabshiil Group iyo hawlwadeenada Sanduuqa Horumarinta Dhallinyaradda JSL.