Shaacinta fursadaha maalingalineed ee Sanduuqa Horumarinta Dhalinyarada Somaliland ee gobalada Saaxil,Togdheer,Saaxil,Sool,Sanaag
Sanduuqa Horumarinta Dhallinyaradda JSL oo sii daayay baahinta soo codsashadda maalgalinta ganacsiyada yaryar ee Goboladda Saaxil Togdheer Sanaag iyo Sool kaas oo ay bilaabmatay maanta oo taariikhdu tahay 19/09/2024 soconna doonta ilaa 28/09/2024.Dhinaca kale waxaa dhamaaday qiimaynta marxaladda koowaad ee goboladda Maroodijeex, Awdal iyo degmada Gabiley, natiijada codsiyadoodiina waxay kala socon karaan accountkooda ay Mobile Application Sanduuqa ka samaysteen.
Halkan kala soo deg Version-ka cusub ee Application Somaliland Youth Fund hadaad hore ula soo degtay iyo hadaad cusub tahay ba:
https://play.google.com/store/search?q=somaliland%20youth%20fund&c=apps&hl=en