Tababarka Dhalinyarada Gobolka Sool
Caynabo Somaliland October 13 2024.Sanduuqa Horumarinta Dhallinyaradda JSL ayaa Caynabo ka furay Tabobarka hal-abuurada ganacsi oo loo qabtay dhallinyartii soo codsatay maalgalinta Sanduuqa Dhallinyarada. Tabobarkan oo socon doona muddo 3 maalmood ah waxaa ka qayb galayaashu ku baran doonaan xirfadaha la xidhiidh hal abuuradda ganacsi iyo horumarinta fikraddii ganacsi ee ay soo gudbisteen iyada oo lagu hagi doono sidii ay fikradahooga meel mar uga dhigi lahaayeen.
Tababarkan oo uu soo qaban qaabiyay Sanduuqu waxa goobjoog ahaa Wasiirka Diinta iyo Awqaafta, Wasiirka Cadaaladda iyo Maayirka Degmada Caynabo.