Sanduuqa Horumarinta Dhalinyarada Somaliland ayaa Tababar ufuray Dhalinyarada Gabiley

Gabiley, Somaliland October 5, 2024.
Sanduuqa Horumarinta Dhallinyaradda JSL ayaa degmada Gabiley ka furay Tabobarka hal-abuurada ganacsi oo loo qabtay dhallinyartii soo codsatay maalgalinta Sanduuqa Dhallinyarada. Tabobarkan oo socon doona muddo 3 maalmood ah waxaa ka qayb galayaashu ku baran doonaan xirfadaha la xidhiidh hal abuuradda ganacsi iyo horumarinta fikraddii ganacsi ee ay soo gudbisteen iyada oo lagu hagi doono sidii ay fikradahooga meel mar uga dhigi lahaayeen.
Furitaanka tabobarkan waxaa soo qaban qaabiyay agaasimaha fulinta Sanduuqa H. Dhallinyaradda iyadda oo ay goob joog ka ahaayeen kana hadleen Wasiirka Dhallinyarada iyo ciyaaraha, Wasiirka horumarinta beeraha, Duqa degmada Gabiley, Agaasimaha sanduuqa dhallinyarada, Agaasimaha hay’adda caymiska qaranka, Gudoomiye ku xigeenka gobalka Maroodijeex, Xoghayaha fulinta degmada gabiley iyo Tabobaraha aqoon korodhsiga.