Sanduuqa Horumarinta Dhallinyaradda JSL oo Tabobar u Furay Dhallinyaradda Gobolka Awdal

Boorama, Somaliland October 1, 2024 Sanduuqa Horumarinta Dhallinyaradda JSL ayaa caasimada Gobalka Awdal ee Boorama ka furay Tabobarka hal-abuurada ganacsi oo loo qabtay dhallinyartii soo codsatay maalgalinta Sanduuqa Dhallinyaradda.
Tobobarkan oo socon doona muddo 3 maalmood ah waxaa ka qayb galayaashu ku baran doonaan xirfadaha la xidhiidh halbuurada ganacsi iyo horumarinta fikradii ganacsi ee ay soo gudbisteen iyada oo laga hagu doono sidii ay fikradahooda meel mar uga dhigi lahaayeen.
Furitaanka tabobarkan waxaa soo qaban qaabiyay agaasimaha fulinta Sanduuqa H. Dhallinyaradda Khadar Ibraahin Maxamed iyadda oo ay goob joog ka ahaayeen Wasiiradda ganacsiga iyo waxbarashada iyo saynis, wasiir ku xigeenka warfaahinta iyo wacyigalinta , duqa degmada Boorama iyo xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka degmada Boorama